Kenya oo adkeysay ammaanka Mombasa iyada oo ka digtay weeraro Al Shabab ay fulin karto

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in sare loo qaaday amniga magaalo xeebedka Mombasa ee wadnka Kenya kadib markii ay soo baxeen digniino qatar ah oo muujinaya weeraro Al Shabab ay ka fulin karan Mombasa.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in Kaamirooyinka qarsoon ee ( CCTV cameras) loo yaqaano iney geeyen goobaha ay dadka isugu yimaadan si amaanka sare loogu qaado.

Sido kale Kenya ayaa sugtay ammaanka garoonka diyaaradaha Moi International Airport,hoteelada,Kaniisadaha,goobaha laga dukameysto iyo xeebaha waaweyn oo ay dadka ku badan yihiin.

Al Shabab aya dhowr jeer weeraro culus ka fulisay gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari.

Labadii weerar ee ugu xumaa waxay ahaayen weerarkii xarunta West gate mall oo lagu dilay 79 ruux iyo Jaamacada Garisa oo lagu dilay ku dhawaad 150 ruux.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor