Kenya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaallanka hal arrin

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka ayaa sheegtay in hay’adda dambi barista Maraykanka ee FBI iyo Dowladda Kenya ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada.

Hay’adda FBI ayaa Kenya ka caawin doonta sare u qaadidda tayada baaritaannada iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Koox baarayaal ah oo ka kooban 42 Kenyaan ah ayaa tababar ku saabsan la dagaallanka Al-shabaab kusoo qaadan doona muddo 12 Todobaad ah Machadka FBI Academy Gobolka Virginia ee Dalka Maraykanka.

Kenya iyo Marayakanka ayaa leh Guddi wada jir ah oo ay shaqadoodu tahay la dagaallanka waxa loogu Argagixisada, kaas oo la dhisay Bishii Jannaayo ee 2019-kii markii ay Al-Shabaab weerarka ku qaadday Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media