Kenya iyo Alshabaab oo guulo ka kala sheegtay iska horimaad ka dhacay Jubbooyinka.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa sheegay inay 21 dagaalyahan Alshabaab ku dileen iska horimaad gelinkii dambe ka dhacay Tuulladda Qooqaani ee Gobalka J/hoose.

Waxa uu intaasi ku daray inay ciiddanka iska caabiyeen weerar jidgal ah oo ay Alshabaab ku sameeyeen ciiddan Kenyan ku sii jeeday Degmadda Afmadow.

Waxa uu qirtay in iska horimaadkaasi lagu dilay 2 Askari, laguna dhaawacay 5 kale, isla markaana la gubay gaari ay Ciiddanka Kenya lahaayeen.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo waxa uu tilmaamay inay dagaalkaasi ku qabsadeen 19 qoryaha AK 47, 5 Baasuuke (RBG) iyo hal Bistoolad, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Alshabaab ayaa sheegay inay jidka u galeen Ciiddano Kenyan oo marayey Tuulladda Qooqaani ee Gobalka J/hoose, isla markanaa ay dileen 12 Askari, halka ay 2 kalena nolol ku qabteen.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Alshabaab weeraraan Ciiddamo Kenyan ah, waxayna bishii Janaayo 15-dii weerar ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Dowladda Kenya wey beenisay in 100 Askari looga dilay Ceel-cadde, mana jirto tiro rasmi ah oo ay ka soo saartay weerarkaasi lagu hoobta.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor