Kenya Airways oo bilowday Duullimaadyadda Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi

Shirkadda Kenya Airways oo  ay Dowladda Kenya leedahay ayaa la sheegay inay ugu dambeyntii go’aamiyeen inay bilaabaan Duullimaadyadda Tooska ee Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi iyo Garoonka Caalamiga Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Shirkadda Kenya Airways waxay horey 2 jeer hakisay Duullimaadyadaasi, oo horey qorshuhu ahaa inuu bilowdo bishii hore ee November 15-dii.

Guddoomiyaha Fulinta ee Shirkadda Kenya Airways Sebastian Mikosz waxa uu shalay sheegay inay Heshiis la galeen Shirkad Kenyan ah oo lagu magacaabo ALS OO BIXISA Caymiska iyo Adeegyadda Lausimadda Duullimaadyadda si loo bilaabo Duullimaadka Maalinlaha ee Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadda Kenya Airways waxay sheegtay inay maalin kasta Duullimaad Toos ah Nairobi ka soo duulli doonto 1:00 Duhurnimo, waxayna Garoonka Aadan Cadde ku soo degi doontaa maalin kasta  saacaddu markay tahay 1:45 daqiiqo ee Duhurnimo.

Shirkadda Kenya Airways waxay sheegeen in tikidhks Diyaaraddaa ee Sii-socodka iyo soo-noqosho tahay 403-Dollar, iyadoo Duullimaadka halka mar uu noqonayo 218 Dollar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor