Tobaneeyo Kalluumeysato u dhalatay dalka Iiraan ayaa la soo sheegay inay gacanta ku dhigeen Dagaalyahannadda Alshabaab ee ku sugan Degmadda Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacadda Dalsan inay Alshabaab gacanta ku dhigeen Kalluumeystadaasi oo ay dooni kula soo caarisay Xeebta Deegaanka Cigo.
Dhinaca kale, Ilaaladda Xeebaha ee Puntland ayaa ku soo baraarugay doonida lagu qabsaday Xeebta Degaanka Cigo ee Degmadda Ceel-dheer.
Wararkii ugu dambeeyey ee caawa naga so ogaaray Deegaanka Cigo ayaa inoo xaqiijiyey inay Dagaalyahannadda Alshabaab u kaxaysteen Kalluumeysatadda Iiraaniyiin deegaan ku dhow Galhareeri.
Saraakiisha Alshabaab weli kama hadlin arrintaasi.
Sidoo kale, Dowladda Iiraan oo ay Maraakiib dagaal ka joogaan Xeebaha dalka Somalia ayaan weli ka hadlin Kalluumeysatadda Iiraaniyiinta ee Alshabaab u gacan-galay.
Bilowgii bishii hore, Koox Burcad-baddeed ayaa sii daysay Kalluumeysato Iiraaniyiin ah oo ay afduub u haysteen, iyadoo ay Madaxda Maamulka Galmudug gacan ka geysteen sidii loo sii dayn lahaa Badmaaxiintaasi.
Warar ayaa sheegay in Burcad-baddeeda la siiyey lacago madax-furasho ah oo aan cadadeeda la shaacinin.
Dalsan Radio