Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada curdanka ah ee Soomaaliya, xilli dalku wajahayo xaalad amni darro iyo qalalaase siyaasadeed oo sii kordhaya.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu muujiyay walaaca laga qabo dhismaha urur siyaasadeed cusub oo lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo ka tarjumeysa isku dayyo lagu doonayo in lagu aasaaso maamul ku dhisan xukun kelitalisnimo.
“Waxaan si cad u muujinaynaa in arrintan ay muujinayso diyaar-garowga lagu doonayo in dalka lagu hoggaamiyo si aan waafaqsanayn dimoqraadiyadda iyo nidaamka dowladnimo ee lagu heshiiyay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland.
Jubbaland ayaa ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadeed, bulshada rayidka ah, iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan u istaagaan si loo badbaadiyo dowladnimada curdanka ah, loogana hortago hanjabaadaha muuqda ee ka imanaya dhinacyada doonaya in ay dalka u horseedaan qalalaase cusub.
“Haddii aan maanta wax laga qaban, rajada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeed ee muddada dheer lagu taamayay waxaa la gelinayaa halis weyn,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale, Jubbaland waxay fariin u dirtay beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay in ay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed waqtigan adag.
“Maanta waa maalin shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin garab istaag dhab ah. Waa in si wadajir ah looga hortagaa kooxaha doonaya in ay dalka ka leexiyaan jidka saxda ah ee dowlad dhiska iyo nabadda,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka Jubbaland.