HomeWararJubbaland oo soo bandhigtay Ciidankii ugu badnaa ee loo diyaariyay dagaalka AL-Shabaab

Jubbaland oo soo bandhigtay Ciidankii ugu badnaa ee loo diyaariyay dagaalka AL-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland. Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha  Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha  Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgalo midaysan oo laguladagaalamaayo Al-Shabaab.

- Advertisement -

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaalka kasocda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono isagoo uga digay dadka shacabka ah inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso.

- Advertisement -

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ku amaanay Dowlada Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Abdi Barre sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib tirka argagixisada taas oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts