Jubbaland oo shaacisay Natiijada Ruux laga baaray Coronavirus

Maamulka Jubbaland ayaa soo Bandhigay Natiijada kasoo baxday Ruux looga shakiyay inuu qabo Cudurka halista ah ee Coronavirus,  kaasi oo lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Guddiga ka hortega faafida Cudurka COVID-19 ee Jubbaland ayaa shaaciyay in ruux looga shakiyay inuu qabo Cudurka maalmo kahor laga qabtay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo baaritaano lagu sameeyay looga waayay Cudurka.

Guddiga ayaa sheegay in baaritaanka laga qaaday Qofkaas loo diray Magaalada Nairobi, isla markaana dib loogu soo celiyay Jubbaland, loona sheegay in jirkiisa laga waayay Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale Guddiga ka hortega faafida Cudurka COVID-19 ee Jubbaland ayaa shacabka ku dhaqan deegaanadooda ugu baaqay inay qaataan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, si looga hortego faafida Cudurka.

Si kastaba Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegtay in laba ruux oo qaba Cudurka laga helay Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo la geeyay Xarun karantiil, sidoo kalena qabtay in ka badan 70 ruux oo looga shakiyay Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media