Jubbaland oo shaacisay Liiska Musharixiinta kuraastii ka harsanayd  Aqalka sare

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa soo gubiyay Liiska xubnaha u tartamaya kuraasta Aqalka sare eek a harsanaa maamulkaasi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Maoobe), ayaa soo gudbiyay magacyada musharaxiinta 4-tii kursi ka dhimanaa Senitorada Aqalka Sare kasoo Jubaland,Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Liiska Musharixiinta ayaa ka kooban Siddeed Musharax, kuwaasi oo ku tartami doona afar kursi, waxaana kuraasta labo ka mid ah ku tartami doona afar Haween ah.

Jubbaland ayaa horay loogu soo doortay inta badan kuraasta ay aqalka sare ku lahaayeen, waxaana jiray cadaadis Jubbaland kaga yimid beesha caalamka, kaasi oo ku aaddanaa in qoondada haweenka ay ilaaliyaan, waxaana taasi ay keentay in hadda loo xiro haweenka kuraasta qaar.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor