Jubbaland oo ku dhawaaqday in xayiraadii ka qaaday Golaha Wasiirada Somalia

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta waxaa Shir ku yeeshay Golaha Wasiirada Jubbaland,iyadoo kulanka looga hadlay arrimo kala duwan.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir Guddoomiyay Madaxweynaha Jubbaland ee dhawaan la doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ,waxaana goobjoog ka ahaa inta badan Golaha Wasiirada maamulkaas.

Inta uu socday Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa xayiraadii lagaga qaaday Golaha Xukuumada Federaalka ah kaas oo kal hore golaha Wasiirada Jubbaland ay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay labada dhinac.

Maamulka Jubbaland ayaa kal horey shaaciyay in wax Mas’uul ka oo socda dowladda Federaalka uusan imaan kari deegaanada Jubbaland,iyagoo isla markaas ku dhawaaqay inay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media