Jubbaland oo ka hadlay Toogasho ay Shabaab ka Geesteen Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland aya markii ku horeysay ka hadlay Afar ruux oo ay Al-shabaab ku toogteen Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose kuna shegeen inay basaasiin u ahaayeen Dowalada Federaalka,Mareekanka iyo Dowalada Kenya waxaa ay saraakiisha Jubbaland sheegeen in Dadkaasi  ahaayeen Shacab ku noolaa Degmada Jamaame oo an waxba Galabsan.

Waxaa ay warbixin ka bixiyeen Saaraakiishu Afarta Qof ee Dagaalameyaasha Al-shabaab ay ku Dileen Gobolka Jubbada Hoose waxaana ay sheegeen in  aysan jirin wax Dambi ah oo ay Geesteen Dadkaasi oo ay tilmaameen inay ka xunyihiin falkii lagu Toogtay.

Al-shabaab ayaa shalay Degmada Jamame ku Dilay:

1- Siyaad Cali Cabdi oo 26  jir ah, oo ay ku eedeeyeen  inuu la shaqeynayay Mareykanka.

2- Axmed Ibraahim oo 28 jir ah kuna eedeeyeen inuu la shaqeynayay Dowladda Kenya.

3- Yuusuf Makaraan Maxamed oo 58 jir ah kuna eedeeyeen  inuu ula shaqeyn jiray Mareykanka .

4- Cabdullaahi Cumar Xasan oo 26 jir ah kuna eedeeyeen inuu ubasaasi jiray dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media