Jubbaland iyo Puntland oo lagu wareejiyay qalab lagu qabanayo Doorashada Aqalka Sare

Guddiyada hirgelinta doorashooyinka ee dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wareejiyay qalab loo adeegsanayo qabashada Doorashada ka dhaceysa labada maamul.

Xafiiska UNSOM ee Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ayaa qalabka ku wareejiyay Guddiyada doorashooyinka Jubbaland iyo Puntland, waxana qalabka ku jira sanaadiiqda Codbixinta Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Guddiyada ayaa Xafiiska UNSOM uga mahadceliyay qalabka ay ku wareejiyeen, isla markaana sheegay in sanaadiiqda Codbixinta loo adeegsan doono Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo aheyd 25-ka bishan, isla markaana ay u diyaar u yihiin qabashada doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor