Macalinkii hore ee kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa Maanta lagu wadaa in loo magacaabo macalinka cusub ee kooxda Manchester United kadib markii shalay kooxdasi laga ceyriyay macalin Louis Van Gaal iyo shaqaalihiisa reer Holland.
Wakiilo ka socda Macalin Mourinho ayaa maanta kulan la leh Kooxda Manchester United si arintan loo soo idleeyo sida aan ka soo xiganay SKY sports.
Sky Sources: @ManUtd to meet with representatives of Jose Mourinho today.#SSNHQ
— Sky Sports News HQ (@SkySportsNewsHQ) May 24, 2016
Macalinkan ayaa aad loola xiriirinayaa Kooxda Manchester United,hore ayaana loo sii shaaciyay inuu noqon doono macalin xiga Louis Van Gaal.