Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ka hor inta uusan Madal Wadajir ah kula kulmin 8 Wasiir Arrimo Dibadeed oo ka kala socda dalalka Somalia, Kenya, Djibouti, Uganda, Ethiopia, Sudan, Tanzania iyo South Sudan.
Kulankaasi ayaa waxa lagu lafa-guri doonaa Arrimaha Somalia, gaar ahaan Hawlgalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab, Xilliga Kala-guurka ee Siyaasadda Somalia iyo walaaca laga qabo Dib-u-dhac ku yimaada Jadwalka Doorashooyinka ee Somalia.
Sidoo kale, Kulankaasi waxaa diirada lagu saari doonaa Xiisadaha Colaadeed ee ka aloosan dalka South Sudan iyo sidii Ciiddamo Nabad-ilaalin oo dheeraad ah loogu diri lahaa dalkaasi.
Dowladda Maraykanka ayaa ka walaacsan weerar bishii July ee la soo dhaafay ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Jubba oo lagu dilay Suxufi, laguna kufsaday Haween ay ku jireen kuwa Shaqaalaha Samafalka.
©Radio Dalsan