Joe Biden oo Eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Donald Trump

Madaxweynaha Cusub ee loo doortay dalka Mareykanka Joe Biden ayaa maamulka Trump ku eedeeyey inuu ku fashilmay tallaalka si wakhtigi looga tala-galay lagu gaarsiiyo shacabka Mareykanka.

Biden wuxuu intaasi ku daray maamulka Trump inuu horay u sheegay ilaa iyo dhammaadka bishan December inuu tallaalayo 20 malyan oo muwaaddiniinta Mareykanka ah.

Balse ilaa iyo hadda waxaa tallaal helay wax aan ka badneen 2.1 malyan oo qof, sida ay sheegtay xaruunta ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee dalkaasi Mareykanka.

Wuxuuna sheegay xilka marka loo dhaariyo inuu ka shaqeyn doono sidi wax badan oo khaldamay waddada saxda ah uu ugu soo celin lahaa.

Madaxweyne Trump oo Mr Biden jawaab u soo mariyey bartiisa Twitterkana wuxuu sheegay in dowladda dhexe ay tallaalkii loo baahnaa gobollada dalka Mareykanka oo dhan ay gaarsiisay balse ay gobollada ku guul darreysteen tallaalka iney muwaaddiniinta gaarsiiyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media