James Swan “QM waxay taageero la garab taagan tahay dhibanayaasha Soomaaliyeed”

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee xuska iyo xusuusta dhibanayaasha waxa loogu Argagaxisada, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta sharaftay Soomaalida badan ee ay Rabshadahaas gacan ka hadalku saameeyeen.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in dadka ku waxyeeloobay dhibaatooyinkii dalka ka dhacay iyaga iyo qoysaskoodaba loo fidiyo gurmad deg deg ah iyo weliba taageero muddada dheer ah.

“Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday, iyagoo ka bogsanaya jugtaa iyo dhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, James Swan.

“Soomaaliya waxay horumar ammaan mudan ugu tallaabsatay waddada nabadda iyo xasilloonida, haddana iyadoo horumarkaas lagu jiro, waa in la maqlaa oo la qiraa codadka badbaadayaasha” ayuu mar kale yiri James Swan.

Wuxuu intaas kusii daray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay “ In ka dhowro xuquuqdooda – rabshadihii ee dhammaadka todobaadka ka dhacay magaalada Muqdisho waxay xusuusin adag u tahay sida ay tani muhiimka u tahay,” ayuu raaciyay.

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadki 2017-kii dejiyay Maalinta Caalamiga ah ee Xuska iyo Xusuusta Dhibanayaasha si loo sharfo loona taageero dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday falalka iyo in kor loo qaado lana ilaaliyo ku naalooshada buuxda ee xuquuqdooda bini’aadminimo iyo xoriyaadkooda aasaasiga ah.

About Webmaster

View all posts by Webmaster