James Swan iyo wafdi la socday oo tagay Baydhabo, lana kulmay Madaxweyne Lafta-gareen

Wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya  James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayey  Wakiil James Swan, iyagoona ka wada hadlay arrimo kala duwan.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada iyo hirgelinta Mashaariic hormarineed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada, waxaana Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu u mahadceliyay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Soomaaliya  James Swan.

Wasiir James Swan ayaa shalay booqasho ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, isla markaana kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo uu kala hadlay amniga iyo gurmadka Abaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor