HomeCaalamkaJahawareer ka dhashay gabdho walaalo Sucuudi ah oo maydkooda la helay

Jahawareer ka dhashay gabdho walaalo Sucuudi ah oo maydkooda la helay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Booliska magaalada New York ayaa waxa uu baarayaa dhimashada laba gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay waddanka Sucuudi Carabiya kuwaas oo todobaadkii hore maydkooda laga helay Webiga Hudson iyagoo la isku xirxiray. Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir, ayaa waxaa maydkooda laga helay iyagoo is eegaya si buuxdana u labisan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Booliska magaalada New York ayaa waxa uu baarayaa dhimashada laba gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay waddanka Sucuudi Carabiya kuwaas oo todobaadkii hore maydkooda laga helay Webiga Hudson iyagoo la isku xirxiray.

Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir, ayaa waxaa maydkooda laga helay iyagoo is eegaya si buuxdana u labisan oo misana uusan wajigooda ka muuqan wax uur ku taalla ah, booliska ayaa sidaasi sheegay.

- Advertisement -

Dambi baarayaasha ayaa sheegaya in ay tahay xilli hore in wax go’aan ah laga gaaro haddii fal dambiyeed uu dhacay ama inay iyaguba isdileen.

Gabdhaha ayaa dhawaan waxa ay Mareykanka ka codsadeen magangalyo siyaasadeed, booliska ayaa yiri.

Gabdhaha walaalaha ah ee ilma Faaric iyo hooyadood ayaa Sucuudi Carabiya ka soo guuray 2015-kii markaas oo ay dageen magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia, waxaana gabdhahaasi lagu yaqaannay inay gurigooda isaga baxsadaan, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanku.

- Advertisement -

Hasayeeshee baarayaasha ayaa sheegaya inay jahawareer tahay sababta maydkooda looga helay daanta webi 400 km u jira meeshii uu qoyskoodu deganaa.

Qunsulka Sucuudiga ayaa waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray in saraakiisha safaaraddu ay la xiriireen qoyska gabdhahaasi, waxa uuna intaasi ku daray in labada gabdhood ee walaalaha ah ay arday ahaayeen “oo ay u wehel yeelayeen walaalkood oo jooga magaalada Washington”.

Wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa booliska magaalada New York, ayaa waxa ay sheegtay in maalin un ka hor inta aanan maydka gabdhahaasi la soo helin, uu hooyadood soo wacay sarkaal ka tirsan safaaradda Sucuudiga isagoo qoyska ku amray inay dalka isaga tagaan maadaama ay gabdhuhu Mareykanka ka dalbadeen magangalyo siyaasadeed.

Maydka gabdhaha ayaa Arbacadii la soo dhaafay waxaa laga helay daanta webi iyagoo xiran saraawiil iyo jaakado madow lagana xiran dhexda iyo anqawyada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts