Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la soo saaray

Waxaa xalay lagu dhawaaqay Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyada oo waxka yar todobaad ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in  Diiwan galinta musharaxiinta ay bilaabaneyso  22- Bishaan kuna egtahay 23 bishaan.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Hadal jeedinta musharaxiinta ay tahay  25 bishan.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay dhacdo 28 Bishaan oo ku beegan Arbacada soo socota.

Hoos ka Akhriso Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee la soo saaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor