Jadwalka Doorashada kuraasta ugu dambeysa ee taalla Magaalada Baydhabo oo la shaaciyay

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraasta ugu dambeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ee taalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay inay qabanayaan doorashada 7-da kursi ee ugu dambeysa doorashada Golaha Shacabka, isla markaana qabashada Guddiyada soo xulaya ergada ay bilaabaneyso maalinta oo sabti ah.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa caddeeyay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta ay bilaabaneyso 14-ka bishaan Maarso oo ku beegsan maalinta talaadada ah ee todobaadkan, iyadoona isla maalintaas shahaadada la siinayo.

Ugu dambeyn doorashada todobada kursi ee Golaha Shacabka ee lagu soo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka Koonfur Galbeed ayaa la qaban doonaa 15-ka bishaan oo ku eg waqtigii lagu heshiiyay in lagu dhammeeyo doorashada socota.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Lafta-gareen ayaa noqon doona mamulkii ugu horreeyay ee soo gaba-gabeeya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor