Jabuuti oo sheegtay inay Xarakadda Alshabaab carqaladeeyn doonaan Doorashadda Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga, ahna Afhayeenka Rasmiga ee Dowladda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeys ka soo baxa Maraykanka, laguna sii daabacay Bogga Shabakadda Wararka ee Iinanews.org

Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay Weeraro iyo Is-qarxin la beegsadaan Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM marka la guda-galo Hawlaha Doorashooyinka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu tilmaamay inay Alshabaab doonayaan inay fashiliyaan Hawlaha Doorashadda Somalia, iyadoo xilligan ay qaar ka mid ah Ciiddanka Ethiopia ka baxeen qeybo ka mid ah K/galbeed Somalia, sababo la xiriira Xaalladda Degdegga ee lagu soo rogay Ethiopia.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga, ahna Afhayeenka Rasmiga ee Dowladda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Weerarkii Is-qarxinta ee ay Xarakadda Alshabaab isbuucii hore la beegsadeen Saldhigga ay  Ciiddanka Jabuutiyaanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Galbeedka magaalladda Beled-weyne.

Waxa uu qiray in Weerarkaasi lagu dilay 3 Askari oo Jabuutiyaan ah, laguna dhaawacay 6-kale.

Afhayeenka Rasmiga ee Dowladda Jabuuti waxa uu xusay inuusan weerarkaasi wax u dhimi doonin Joogitaanka Ciiddanka Jabuutiyaanka ku sugan gudaha dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Ilaa 2,000 oo Askar Jabuutiyaan ah ayaa qeyb ka ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo badankooda Fariisimo ku leh qeybo ka tirsan Gobalka Hiiraan, iyadoo Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM ee xilligan yahay  Jeneral Cusmaan Nuur Subagle oo u dhashay Jabuuti.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor