HomeWararJaamacadda Carabta oo qabanaysa shir dib u dhiska Soomaaliya ku saabsan

Jaamacadda Carabta oo qabanaysa shir dib u dhiska Soomaaliya ku saabsan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ka dib markii maanta xafiiskiis uu ku qaabiley wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee xukuumadda Soomaaliya danjiraha Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayay kaga wada hadleen sidii Jaamacadda Carabta gacan ugu geysan laheyd dib u dhiska hey’adda dowliga ah. Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Xamuud Alxuweydi ayaa u sheegay wasiirka in jaamacadda carabta ay qorsheysay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ka dib markii maanta xafiiskiis uu ku qaabiley wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee xukuumadda Soomaaliya danjiraha Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya ayay kaga wada hadleen sidii Jaamacadda Carabta gacan ugu geysan laheyd dib u dhiska hey’adda dowliga ah.

Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Xamuud Alxuweydi ayaa u sheegay wasiirka in jaamacadda carabta ay qorsheysay in sanadkaan ay qabato shir weyne looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya, sidaas awgeedna uu doonayo in wasaaradaha dowladda uu dhageysto baahiyaha ka jira si uu ugu gudbiyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta .

- Advertisement -

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yiriisow) wasiirka Warfaafinta ayaa u mahadceliyay danjiraha, isagoona sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in arimaha isla soo qaadeen ay kamid aheyd xoojinta wacyelinta dadka Soomaaliyeed iyo doorka Jaamacadda Carabta arintaas ka geysan karto.

“Waxaa ka wada hadlaynay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta gaar ahaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo isku xirka warbaahinta dalalka Jaamacadda Carabta,” ayuu yiri wasiirka.

- Advertisement -

“Waxaan ugu mahadcelinayaa safiirka iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta uu aad ugu adkeeyay in dib-u-dhiska Soomaaliya laga qeyb qaato, dhowaana shir caalamiga ah oo Jaamacadda Carabta u sameynayso dib-u-dhiska Soomaaliya oo safiirkana laga codsaday in ka wasaarad ahaan arimaha nooga aadan aan ka qaadano waxaana u sheegnay arimaha aan danaynayno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjiraha Jaamacadda Carabta, Xamuud Alxuweydi ayaa uga mahad celiyay wasiirka kulanka uu la qaatay, waxaana uu xusay in fariinta dowladda Soomaaliya uu u gudbi doono xoghayaha guud ee Carabta.

Kulanka ka dib wefdiga danjiraha ayaa lagu soo wareejiyay studiyeyaasha Telefishanka, Radio Muqdisho iyo keydka hadalka ee faca weyn ee wasaaradda warfaafinta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts