Jaamacadda Carabta oo ka hortimid Qorshihii Trump ee Bariga Dhexe

Kulan Deg-deg ah oo yeesheen wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta kaasoo ka dhacay Magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu maasin oo dhowaan ku dhawaaqay in Dawladda Falastiin ay go’aansatay inay xiriirka u jarto Mareykanka iyo Israel ayaa laga soo saaray bayaan.

Dhamaan dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta waxay sidoo kale sheegeen in qorshahan uusan aheyn mid horseedi kara heshiis nabadeed oo ka hirgala Bariga dhexe iyo dhulka Falastiin.

Axmed Abul Qayd xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo jeediyay bayaankii ay shirkooda kasoo saareen waxaana uu yiri “Falastiiniyiintu way diidan yihiin xaaladda hada jirta iyo qorshaha Maraykanka, sababta oo ah maaha mid buuxinaysa himilooyinkooda oo dhab ah, wadamada Carabtuna ma aqbalayaan qorshahaas”

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media