Jaaliyada Somaliyeed ee Turkiga oo $7500 dollar ugu deeqday Gurmadka Baladweyne

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Wadanka Turkiga ayaa labo Maalin gudahooda waxay kusoo aruuriyeen lacag gaaraysa $7500 ((Todobo kun iyo Shan boqol )) oo loogu talagalay dadkii Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Lagactan ayaa waxaa laga soo uruuriyay Jaaliyada Soomaaliyeed kunool Magaalada Istanbul iyo deegaanada kale ee ku teedsan, isla markaana ay ku sugan yihiin Soomaali badan.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Shiiq Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in lacagtan ay iska uruuriyeen Soomaali badan, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya gurmadka loo saameynayo dadkii Magaalada Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Si kastaba waxaa socda gurmad  xoogan oo loo sameeynayo dadkii ay saameeyeen fatahaadihii  ka dhacay Magaalada Baladweyne, Bardaale iyo Baardheere ee Gobolka Gedo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media