HomeCaalamkaItoobiya:Haweeney loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada

Itoobiya:Haweeney loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Gabadh dibad joog ah oo horay garsoore u soo noqotay mucaaradka magaca lehna ka mid ah ayaa loo xushay in ay hoggaamiso guddiga doorashada qaran ee dalka Itoobiya. Arrintan ayaa noqnaysa darajo kale oo heer sare ah oo dawladdu ay siisay qof dumar ah. Birtukan Mideska ayaa bishan horraanteedii uun ku laabatay dalka Itoobiya ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Gabadh dibad joog ah oo horay garsoore u soo noqotay mucaaradka magaca lehna ka mid ah ayaa loo xushay in ay hoggaamiso guddiga doorashada qaran ee dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa noqnaysa darajo kale oo heer sare ah oo dawladdu ay siisay qof dumar ah.

- Advertisement -

Birtukan Mideska ayaa bishan horraanteedii uun ku laabatay dalka Itoobiya ka dib markii ay toddoba sano dibad joog ku hayd dalka Maraykanka.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa meel mariyay magacaabidda Birtukan Mideska.

Birtukan ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib doorashadii aadka loogu loolamay ee sannadkii 2005tii.

- Advertisement -

Garsoorahan hore ayaase hadda dusha kala socon doonta doorasha guud ee dalka Itoobiya ka dhici doonta bisha May ee 2020.

Caqabadda ugu wayn ee ay wajahayso waa in ay hagaajiso sumcadda guddiga doorashada oo si joogto ah loogu eedeeyo in dawladdu ay farogaliso guddiga.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed ayaa isbadallo ballaaran la yimid kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu la heshiiyay dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, in uu siidaayay maxaabiistii siyaasadda iyo in uu soo dhaweeyay mucaaradkii hubaysnaa ee dibad joogga ahaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts