Itoobiya oo wacad ku martay iney sii wadi doonto howlgalka ka dhanka ah G/Tigreega

Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay iney sii wadi doonto howlgalka militeri ee ka dhanka ah gobolka Tigreega inkasta ay jiraan baaqyo caalami ah oo ku aadan ilaalinta amniga.

Tani iyo marka uu dalka Itoobiyaha ka dhacay isbeddelka uu majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodayo iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey god ku sii rideyso.

Xiisad ayaa ka taagan gobolka Tigreega kaddib markii Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay tallaabo militeri oo ka dhan ah maamulkaas.

Dowladda federaalka ayaa horraan xaalad deg deg ah ugu soo rogtay gobolka Tigreega, waxaana la xiray duulimaadyadii aadi jiray gobolkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media