Itoobiya oo uga digtay Somaliland qorshe Cusub ay wado Masar

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay qorshe Dowladda Masar ay ku dooneyso inay Saldhig Milateri uga sameeynato Somaliland, xili labada dowladood uu haatan ka dhexeeyo muran xoogan oo ku aadan Webiga Niil.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Dina Mufti oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Itoobiya ay la socoto horumarada ka socda Somaliland, ayna ogyihiin qorshada Masar ku dooneyso inay halkaas uga dhisato Saldhig Milateri.

Waxaa uu sheegay Afhayeen Dina Mufti in Itoobiya ay kasoo horjeedo qorshadaas ay wado Masar oo uu xusay in lagu doonayo in khatar la geliyo danaha iyo deganaanshaha dalkooda, taasina aysan aqbali doonin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda in Masar tahay dowlad madax-bannaan, isla markaana ay  xaq u leedahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dal kasta oo ku yaalla Mandiqadda Geeska Afrika, balse xiriraas uusan noqon mid khatar u keeni kara Itoobiya.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay inay Dowladda Itoobiya ay Somaliland uga digeyso qorshaha ay Masar ku doonayso inay Saldhig Militeri uga dhisato halkaas, isaga carabka ku dhiftay in arrintaasi ay khad cas u tahay dalkooda.

“Dowladda Itoobiya waxaa ay dooneysaa inay xiriir wanaagsan oo Saaxiibtinimo la yeelato Somaliland, si aan wax badan uga wada-hadalo, inkastoo aan loo aqoonsanin dal madax bannaan” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya.

Si kastaba Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee Luuliyo ayaa waxaaa Magaalada Hargeysa socdaal ku tegay wafdi isugu jira Saraakiil Ciidan iyo diblomaasiyiin ka socday Dowladda Masar, iyagoona la sheegay in Maamulka Somalilad ay kala hadleen sidii ay halkaas uga sameeysan lahaayeen Saldhig Milateri garaa ahaan dhulka xeebta ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media