Itoobiya oo sheegtay inay duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka Ethiopia waxay sheegtay inay Duqeyn dhinaca Cirka ku qaadeen Saldhig ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka Buur Haybe oo 75 KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka K/Galbeed.

Hadal-qoraal oo ay Wasaaradda Difaaca Ethiopia u dirtay Warbaahinta Ethiopia ee EBC ayaa lagu sheegay in Duqeyntaasi oo dhacday bishan Janaayo 24-dii lagu dilay 35 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay 2 Hoggaamiye ka mid ahaayeen, waa sida ay Ethiopianka hadalka u dhigeen.

Hoggaamiyayaasha la sheegay in lagu dilay duqeyntaasi waxaa lagu soo koobay Cabdu Cusmaan oo ahaa Madaxa Guud ee Hawlgalladda Alshabaab iyo C/salaam oo ahaa Khabiir dhinaca qarxinta Bambooyinka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Duqeyntaasi ayaa u muuqata mid ay Milliteriga Ethiopia kaga fal-celinayeen Askartii looga dilay weerarkii Jid-galka ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishan Janaayo 18-dii la beegsadeen Koloyo Ciiddanka Ethiopia oo marayey duleedka Degmadda Buur-hakabo ee Gobalka Bay.

Ciiddanka Ethiopianka ee jidka loo galay oo ku sii jeeday magaalladda Baydhabo waxaa soo gaaray khasaare isugu jiray dhimasho, dhaawacyo, iyo iyadoo Gaari Uraal ah oo loogu gubay weerarkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor