Itoobiya oo sheegtay inay Ceelal shidaal oo dheeraad ah ka qodi doonaan dhulka Somalia

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Laysimadda Batroolka ee  Wasaaradda  Macdanta, Shidaalka iyo kheyraadka Dabiiciga ee dalkaasi, Ketsela Tadese ayaa sheegay inay u baahan yihiin 3 sanno oo dheeraad ah si ay u horumariyaan Kheyraadka Batroolka ee Deegaanadda Is-maamulka Soomaalida ku nool  Bariga dalkaasi.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Etthiopia News Agency (ENA) waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay Tallaabooyin dheer si loo dhamaystiro, ka hor inta aan la gelin Hawlaha Wax-soo-saarka ee Shidaalka.

Ketsela Tadese waxa uu xusay in qodista boqolaal ceelal shidaal oo dheeraad ah ay muhiim u yihiin Horumarinta Tas-hiilaadka Adeegyadda Asaasiga si loo horumariyo sahminta Kheyraadka.

Dhinaca kale, Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga ee laga helay Dhulka Soomaalida Ethiopia ka sokow, waxay Hawlgalo sahmin  ah ka wadaan Deegaanadda Rift Valley,  Abbay, Mekelle, Metema, iyo Gambella

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor