Itoobiya oo raalli-gelin ka bixisay falkii ay Somalia kaga saareen Khariidada Afrika

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia (MFA) ayaa sheegay inay raalli-gelin guud ka bixinayaan  Khariidadii Qaaradda Afrika ee la soo dhigay Websaytka Wasaaradooda, taasi oo dalka Somalia lagu biiriyey Xuduudaha dalka Ethiopia.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Nebiat Getchew oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Addis Abeba waxa uu sheegay in Khariidadaasi laga saaray Wabsyatkooda, isla markii lagu soo wargeliyey qaladkaasi.

Warkan oo aan ka soo xiganay Warbaahinta ee Ethiopia, waxa uu Afhayeenku sheegay inay Wasaaradiisu soo saartay Hadal-qoraal oo ay kaga cuddur-daaranayso Qaladkii  bishan May 25-dii lagu soo daabacay Websaytkooda ee dalka Somalia looga tirtiray Khariidada Rasmiga ee Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia waxa uu tilmaamay inay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sida Khariidada qaladka ahayd uga soo dhex muuqatay Websaytkooda, isla markaana kuwii ka mas’uulka ahaa Mashaakilkaasi looga qadai lahaa tallaabooyinka lama huraanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Khariidadaasi waxay abuurtay Xasaasiyad ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ka wada gilgisheen, kuna tilmaameen falkaasi Daandaansi iyo xadgudub ka dhan Haybadda Xuduudaha dalka Somalia ee ay dalalka Caalamka wada aqoonsan yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media