Itoobiya oo ku dhawaaqday in QM ay gacan ka siin doonto dib u dhiska gobolka Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska gobolka Tigreega oo muddo labaatan bilood ah ay burburiyeen dagaallo.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda ayaa dib u dhisi doona kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka, oo wali inta badan ay gacanta ku hayaan fallaagada Tigreega.

Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka, kaasoo bishii April noqday hay’addii ugu horreysay ee dhaqaale u sii daysa Itoobiya, xabbad-joojin kaddib.

Wixii markaas ka dambeeyay, dagaalladii ayaa inta badan joogsaday, waxayna dowladdu ogolaatay in ay dib u bilowdaan kolonyada gargaarka ah. balse gobolka Tigreega ayaa waxaa weli ka maqan adeegyadii muhiimka ahaa (sida korontada, isgaarsiinta iyo bangiyada).

QM ayaa sheegtay in boqolaal kun ay qarka u saaran yihiin macaluul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor