Itoobiya oo Deeq Daawo ah ku wareejisay DFS & Dhaqaatiir kusoo wajahan Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan Aadan iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya katirsan ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddi hordhac u ah dhaqaatiir u dhalatey dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daweynta dhaawacyada.

Wasiir Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Guddiga ka socday Itoobiya kala wareegay deeq Daawo oo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Soobe

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale laga filayaa dhaqaatiir kale, iyadoo maanta ay Muqdisho soo gaareen Daawo iyo guddiga hordhac u ah khubarada ay soo diridoonaan dhanka qaliinada ah ee ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii soobe.

Wasaaradda  Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii soobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda Itoobiya oo Daawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Soobe usoo dirtey Soomaaliya, kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin iyo dhaawacyada u baahan qaliimada wajiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor