• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Itoobiya oo Axmed Madoobe ku taageeraysa dagaal ka dhan ah Dowladda Federaalka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 10, 2024
in Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
Itoobiya oo Axmed Madoobe ku taageeraysa dagaal ka dhan ah Dowladda Federaalka
57
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in Axmed Madoobe uu noqday nin laga shakiyay kadib markii uu taageero ka helay Itoobiya, isagoo ka jawaabaya cadaadis ka yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu si toos ah Itoobiya ugu biiray si ay uga caawiso dagaalka ka dhanka ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Jubbaland, gar ahaan Raaskaambooni.

Wasiir Fiqi ayaa yiri: “Sheekh ma ahan Axmed Madoobe. Dadkiisa ayuu ka cararay, Itoobiya ayuu miciin biday, waxaan leeyahay ciidanka ka taga ninkaas.” Wasiirku wuxuu ka digay in Axmed Madoobe uu wado qorshe khatar ku ah ammaanka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Jubbaland inay ka hor istaagaan taageerada uu siiyo Itoobiya, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ka soo horjeeda danaha shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu qorshihiisa ku dhisan yahay falal halis ah oo ujeedadoodu tahay in Soomaaliya loo keeno xasillooni darro dheeraad ah, isagoo hubka u keensaday magaalada Kismaayo, kadib markii Itoobiya ay u deeqday hub aad u fara badan.

Fiqi ayaa sidoo kale xusay in Itoobiya ay horay uga qayb qaadatay falal xadgudub ah oo ka dhan ah Soomaaliya, sida hubaynta maleeshiyaad iyo ku xadgudubka qaranimada Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa ku adkaystay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay difaaca qaranimada iyo ilaalinta midnimada dalka, isagoo sheegay in Itoobiya aysan noqon karin garab loogu taagan yahay Axmed Madoobe, maadaama ay tahay cadowga ugu weyn ee ummadda Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlaya, waxa uu sheegay in Axmed Madoobe uu qorshihiisa ku wado sidii uu u xakameyn lahaa Jubbaland, isagoo adeegsanaya taageerada Itoobiya ee hubka iyo milatariga, taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay halis u taagan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Israa’iil oo Duulaan Millateri ku qaaday Suuriya iyo Xaalad adag oo taagan

Next Post

Banadir Hospital Director Dr. Fartun Shariff tours healthcare facilities in Finland to benchmark on enhancing health care services

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post
Banadir Hospital Director Dr. Fartun Shariff tours healthcare facilities in Finland to benchmark on enhancing health care services

Banadir Hospital Director Dr. Fartun Shariff tours healthcare facilities in Finland to benchmark on enhancing health care services

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development

by Liban
July 10, 2025
0

Addis Ababa - The Minister of Labour and Social Affairs of the Federal Government of Somalia, Hon. MP Yusuf Mohamed Adan,...

Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu

Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu

by Liban
July 10, 2025
0

Mogadishu  – The Federal Government of Somalia has initiated a new plan aimed at reopening blocked roadsin the capital, Mogadishu, as...

Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan

Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan

by Liban
July 10, 2025
0

Amman, Jordan - The Minister of Youth and Sports of the Federal Government of Somalia, Hon. Mohamed Abdulkadir Ali, has arrived...

Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

by Liban
July 10, 2025
0

London - The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, Hon. Biixi Imaan Cige, has been awarded the prestigious...

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development
English News

Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu
English News

Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan
English News

Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025
English News

Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

July 10, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia and Ethiopia Strengthen Cooperation on Employment and Skills Development
  • Somali Government Launches Plan to Reopen Blocked Roads and Ease Traffic in Mogadishu
  • Somalia’s Minister of Youth and Sports Attends Arab Youth, Peace, and Security Strategy Launch in Jordan
  • Somalia’s Finance Minister Biixi Imaan Cige Named Africa’s Best Finance Minister of 2025

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00