Itoobiya iyo Suudaan oo Guddi u saaray xalinta xiisad ka dhalatay Dil dhacay

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Abdallah Hamdok iyo dhiggiisa Itoobiya Abiy Axmed ayaa qadka teleefoonka uga wada hadlay xiisadda ka taagan xudduuda laba dal, sida ay sheegtay warbaahinta qaranka ee dalka Sudan.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay inay guddi dhamaystiran u xilsaaran xalinta xiisadda ka taagan xudduuda labada dal.

Suudaan ayaa dhawaan Itoobiya ugu baaqday inay ciidamadeeda kala baxdo Al-Fashaga.

Waxaa 24, bisha April lagu dilay Al-Fashaga askari u dhashay dalka Suudaan waxaana sidoo kale lagu dhaawacay saddex kale kaddib weerar ay ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen.

Comments
Loading...