Israsaaseyn Goordhow ka dhacday Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhow Israsaaseyn xoogan oo socotay daqiiaqdo ay dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska iyo Milateriga, taasi oo ka dhacay agagaarka Taaladda Daljirka daah-soon ee Degmada Boondheere.

Israsaaseynta Ciidanka ka wada tirsan dowladda ayaa mar qura si kadis ah ku bilaabatay, waxaana xiliga ay bilaabaneysay wax yar kahor goobta laga kala eryay dadweynaha farabadan oo Banaabax dhigayay.

Dhawaqa rasaasta ay Isdhaafsanayeen Ciidamada ayaa laga maqlayay Xaafaddo ka tirsan  Muqdisho gaar ahaan kuwa ku yaalla Degmooyinka Boondheere, Shibis iyo Shangaani.

Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda ayaa ku dhaawacmay Israasaseynta dhexmaratay Ciidanka Booliska iyo kuwa Milateriga,  kaasi oo weli yaalla dhaawaciisa agagaarka Taaladda Daljirka daah-soon.

Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska dowladda ayaa soo buux dhaafiyay goobta ay Israsaaseynta ka dhacday, waxaana la xiray aagga oo dhan.

Magaalada Muqdisho  ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa Israsaaseyn geysatay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowladda gaar kuwa Milateriga dowladda iyo kuwa Booliska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media