Israsaaseyn Ciidamada dowladda iyo Kooxo hubeysan Caawa ku dhexmartay Isgoyska Siinaay ee Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan  in halkaasi Caawa ay israsaaseyn ku dhexmartay Ciidanka Booliska dowladda iyo Kooxo hubeysan.

Dad ku sugan Isgoyska Siinaay oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in Ciidamada marka hore ay ka shakiyeen gaari ay wateen Kooxda hubeysan,isla markaana intaasi kadib ay labada dhinac isdhaafsadeen rasaas xoogan oo muddo socotay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in rasaastaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku caweeynayay Maxaaqiyo ku yaalla halkaasi,waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowlada Soomaaliya gacanta ay ku dhigeen gaarigii ay wateen Kooxdii hubeysneyd,isla markaana waxaa looga shakiyay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,inkastoo aan la xaqiijin karin.

Isgoyska Siinaayay ee Magaalada Muqdisho ayaa Caawa waxaa isku gadaamay Ciidamada Booliska Soomaaliya,iyagoo halkaas xiray.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media