Israel oo la sheegay inay qarka u saaran tahay inay Somalia la yeeshaan Xiriir diplomaasiyadeed

Falaanqeeye u dhashay Israel oo lagu magacaabo Moshe Tardiman kuna takhasusay Taariikhda iyo Dhaqanka ayaa sheegay inay Israel sii wado dadaalkeeda Diplomaasiyadeed ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay qarka u saran tahay inay Somalia la yeeshaan Xiriir Diplomaasiyadeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Shabakadda Wararka ee arabi21.com ee dalka Masar ayaa qortay in Moshe Tardiman hadalkaasi ku sheegay qoraal  uu Aragtidiisa ka dhiibtay oo uu ku qoray Madal Gobaleed.

Waxa uu tilmaamay in Qaraxyadii ka dhacay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan lagu dilay 20-qof oo ay ku jireen Muwaadin Maraykan asalkiisu Yuhuudi ahaa, iyadoo ay weeraradaasi fuliyeen 5 ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab hawlgalkaasi u qaadeen iyagoo  muujinayey inay ka soo horjeedaan Tallaabadii uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ugu aqoonsaday magaalladda Quddus-ta ls-haysto inay tahay Caasimadda Israel iyo  in Safaaradda Maraykanka loo soo wareejiyo magaalladda Quddus-ta La-haysto.

Moshe Tardiman oo ah Aasaasaha Machadka Cilmi-baarista Islaamka iyo Muslimka ee gudaha Qaaradda Afrika iyo Cilmi-baare ka tirsan Xarunta Barashadda Iiraan ee Jaamacadda University of Haifa waxa kale oo uu tilmaamay inay Alshabaab weerarkaasi u qaadeen Taageerida Falastiiniyiin iyo Ka-soo-horjeedka Israel

Moshe Tardiman waxa kale oo uu tilmamaay inay Somalia haatan leedahay 2 Dowladood oo kala ah Somalia iyo Somaliland, isagoo intaas ku daray inuu mid kasta makaan kala duwan ka taagan yihiin Israel, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dadka Jewish-ka ama Yuhuudda laga masaafuriyey Somalia sannadkii 1967-kii, kadib, Dagaalkii Carabta iyo Isreal dhex maray, isla markaana ay Somalia ka mid tahay dalalka Siyaasad ahaan ka soo horjeeda Israel, balse taageersan Falastiiniyiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media