Israel oo ku hanjabtay inay weerari doonaan dalka Iran

Wasiirka Difaaca Israel, Benny Gantz waxa uu maanta sheegay inay diyaar u yihiin inay Tallaabo Milliteri ka qaadaan Iran, isagoo ku eedeeyey inay ku xadgudbeen dhamaan Heshiiskii Is-Fahamka ee laga gaaray Barnaamijka Nukliyeerka Iran ee uu Madaxweynaha Maraykanka doonayo in dib loo soo nooleeyo.

Wasiirka waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska YNET ee ka soo baxa Israel, wuxuuna xusay inay joogaan xilligii loo baahnaa in Iran laga qaado Tallaabo Milliteri.

Waxa uu ugu baaqay dalalka Caalamka inay ka fal-celiyaan Tallaabooyinka gardarada ee ay Iran ka wado Caalamka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Digniintiisa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii kordhayso Xiisaddaha ka dhashay Weerarkii Daroonka ee dhawaan lala beegsaday Markabkii Booyadlaha Israel oo marayey meel ka baxsan Xeebaha dalka Oman.

Israel, UK iyo Maraykanka waxay ku eedeeyeen Iran inay ka dambeysay weerarka lala beegsaday Markabka MV Mercer Street oo ay ku geeriyoodeen 2 Badmaax oo u kala dhashay UK iyo Romania.

Dowladda Iran wey beenisay inay ku lahayd weerarka Markabkaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor