Israa’iil oo sheegtay inay Sarkaal sare ku dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israa’iil ayaa sheegay in madaxii deegaanka ee dagaalyahannada falastiiniyiinta ee guutooyinka Shuhaddada Al-Aqsa lagu dilay howlgal ay Israa’iil ka fulisay Daanta Galbeed ee la haysto.

Ibrahim Nabulsi, ayaa aaskiisa waxa uu ka dhacay isla daanta galbeed.

Meydka wiilkan 23 jirka ah oo lagu duuduubay calanka Falastiin, ayaa waxaa lagu dhex waday dad badan oo taageere u ahaa oo ku sugnaa magaalada Nablus.

Ibraahim Nabulsi, oo ah hogaamiyaha kooxda ayaa baxsad ahaa muddo bilooyin ah, oo ay Israa’iiliyiintu ku eedeynayeen inuu geysanayay weerarro.

Labo kale oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka ay Israa’iil ku qaaday gurigiisa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in afartan qof oo rayid ah ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor