Israa’iil iyo Falastiin oo heshiis xabbad joojin ah gaaray

Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa heshiis xabbad joojin ah ka gaaray dagaalki Qaza ka billowday 11-ka May ee uu ka dhashay qasaara naf iyo maalba leh.

Golaha wasiirrada Israa’iil waxay xaqiijiyeen iney heshiis xabbad joojin ay la gaareen maleeshiyaadka Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo.

“Golaha amniga siyaasaddu waxay si aqlabiyad leh u aqbaleen soo jeedintii dhammaan saraakiisha amniga, amniga gudaha (Shin bet), amniga dibadda (Mossad), iyo madaxa golaha amniga qaranka, ee ahayd in la aqbalo hindisaha Masar ee xabbad joojinta shuruud la’aanta ee labada dhinac ah oo goor dambe hirgeli doonto” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada Israa’iil.

Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo wakaaladda wararka ee AP u warramay wuxuu saheegay xabbad joojinta ay Israa’iil ku dhawaaqday ay ka dhigan tahay ‘guul’ shacabka Falastiin u soo hoyatay iyo guul darro soo gaadhay ra’isal wasaaraha Israa’iil Banjamin Natanyahu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor