Kadib markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku baaqay in laga wada qeyb qaato dhismaha wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa iskaashatada gadiidka xiligaan waxa ay sheegeen in wadaan qorshe ay wadooyinka qaar ku dhisayaan.
Wareysi uu Dalsan siiyay Gudoomiyaha Iskaashatada ayuu ku sheegay in hada bilbeen qorsho ay ku dhisayaan wadada isku xirta Dabka iyo Isgoyska Bakaaraha.