Isimada Puntland oo go’aanno adag kasoo saaray dagaaladii dhawaan ka dhacay Boosaaso

Isimada Puntland oo maal-mihii ugu dambeeyay ku howlanaa xal u helidda dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada boosaaso ayaa soo saaray  War-saxaafadeed dhinacyo badan taabanaya oo ay kaga hadleen, khilaafaadkii iyo dagaaladii ka dhacay halkaasi.

War-saxaafadeedka ay soo saareen Isimada Puntland ayaa lagu go’aamiyay in Hay’ada PSF ay ahaato sideedii hore uuna Agaasime ka ahaado Maxamuud Cismaan Diyaano, oo ah masuulkii ay xil ka qaadistiisu ka bilaabatay colaaddu.

Qodobada kale ee  Isimada Puntland  ay kasoo saaren xaaladda Boosaso ayaa waxaa k mid ah, in dhacdooyinkii iyo dhibaatooyinkii dhacay sharciga loo bandhigo, oo aan la isaga harin, dhibaatooyinkii ay gaysteen laabda dhinac.

Hoos ka akhriso War-Saxaafadeedka

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor