Diyaaradaha Isbahaysigaasi waxay Waaberigii hore ee saakayto  duqeeyeen labo Fariisin oo ay Ciiddanka Dowladda Syria ku leeyihiin meel ku dhow Xuduudka dalka Iraq.
Warbaahinta Dowladda Syria iyo kuwa  ay leeyihiin Ururka Xisbullaahi Lubnaan ayaa sheegay inay Isbahaysigu duqeeyeen Deegaanka T2 oo  100 KM dhanka Galbeed kaga toosan Webiga Furaat.
Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Syria ee SANA Â ayaa sheegtay inay Isbahaysiga Maraykanka waaberigii hore ee saakayto duqeeyeen qaar ka mid ah goobo Milliteri oo ku yaalla inta u dhexeysa Abu Kamaal iyo Xamiimiya
Dhinaca kale, Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka, Kabtan Bill Urban waxa uu sheegaysan inaysan jirin duqeyn ay la beegsadeen fariisimadda Ciiddanka daacadda u ah Dowladda Syria.