Is-qarxin ay dad ku geeriyoodeen oo ka dhacay Iiraan

Telefishinka Dowladda Iiraan  ee PRESS TV ayaa shaaciyey inay ugu yaraan 3 qof ku geeriyootay qarax barqanimadii maanta ka dhacay magaalladda Jabahaar oo ku taalla K/bari ee dalkaasi.

Telefishinku waxa kale oo uu sheegay in Tacshiirad laga maqlay halka ay Is-qarxintu ka dhacday.

Sarkaal Maxali ayaa u sheegay Telefishinka in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday meel ku dhow Xarunta Dhexe ee Boliska oo ku taalla magaalladdaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in dareewalkii waday gaariga is-qarxiyey, kadib, markii ay Boliska ku joojiyeen meel ku dhow Xarunta Boliska.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Iiraaan ee IRNA waxay baahisay inay 4 qof ku dhaawacmeen qaraxaasi, balse warar kale ayaa sheegayo inay 19 qof ku dhaawacantay Is-qarxinta ka dhacday K/bari ee dalka Iiraan, kuna dhow xuduudka ay Iiraan la wadaagto  dalka Pakistan.

Bishii December ee sannadkii 2010-kii, ugu yaraan 41 qof ayaa ku geeriyootay, 90-kalena wey ku dhaawacmeen Weerar Is-qarxin ah oo lala beegsaday gudaha Masjid ku yaalla magaalladda Jabahaar ee uu maanta mar kale ka dhacay Qaraxu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor