Is diiwaan-gelinta Musharixiinta M/weynaha Jubbaland oo waqti kordhin lagu sameeyay

Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waqti kordhin ku daray Jadwalka Is-diiwaan Gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Codsi badan uu uga yimid Musharixiin dooneysa inay isku diiwaan geliyaan u tartanka xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland,isla markaana waqtigii loogu talagalay Isdiiwaan gelinta Musharaxiinta Maanta ay ku ekayd,hsyeeshee ay ku dareen muddo Afar Maalmood ah.

Is-Diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay bilaabaneysaa 23-ka Bishaan Luuliyo,waxaana ay ku egtahay maalinta Jimcaha soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka Bishaan Luuliyo 2019.

Hoos ka Akhriso Jadwalka ay soo saareen Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media