Iraq oo dhexdhexaadin doonta Iiraan iyo Mareykanka

Dowladda Iraq waxay sheegtay inay Wafuud u kala diri doonto dalalka Maraykanka iyo Iiraan, si lo qaboojiyo xiisadda colaaadeed ee ka dhex aloosan.

Ra’isul-wasaaraha Iraq, Caadil Cabdul Mahdi ayaa sheegay inay waajib ku tahay Dhexdhexaadinta labadaasi dal, si looga hor tago Dagaal iyo in heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo.

Waxa uu tilmaamay inay maalmaha soo socda Wafuud u kala diraan caasimadaha labadaasi dal, dadaal lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan Maraykanka iyo Iiraan doonaynin dagaal, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isul-wasaaraha Iraq waxa kale oo uu tilmaamay inuu dalkiisa door Dhexdhexaadin ka geli doonaan arrintaasi, wuxuuna dhanka kale sheegay inay jiraan dalal doonaya inay sii huriyaan Xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan, balse ma uusan carabaabin dalalka u ololeynaya dagaalkaasi.

Baaqiisa waxa uu ku soo beegmay 2 isbuuc kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mayk Bombeeyo booqasho aan la sii shaacinin ku tegay Iraq, isagoo madaxda dalkaasi kala hadlay Xiisadda kacsan ee Maraykanka iyo Iiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media