Televishinka qaranka Iran ayaa Sabtidii baahiyay war sheegaya in hay’adaha sirdoonka Iran ay heleen dukumeenti xasaasi ah oo la xiriira barnaamijka Nukliyeerka Israel, kadib “weero sirdoon oo ballaaran”.
Warbixinta, oo aan lagu bixin faahfaahin buuxda, ayaa tilmaamtay in ciidamada sirdoonka Iran ay gacanta ku dhigeen kumannaan dukumeenti oo ay ku jiraan xog istaraatiiji ah, qorshayaal la xiriira xarumaha Nukliyeerka Israel iyo qoraallo ku saabsan mashaariic muhiim ah.
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka Tasnim, wasiirka sirdoonka Iran, Hojatoleslam Seyyed Esmail Khatib, ayaa xaqiijiyay in dukumeentiyadaas si rasmi ah loogu wareejiyay dowladda Iran, isagoo tilmaamay inay yihiin kuwa “aad u xasaasi ah”.
Dowladda Israa’iil ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin sheegashada kasoo yeertay Tehran.