Iran oo sameysaneysa gantaallo ay ka qayliyeen reer galbeedka

Seddex ka mid ah quwadaha reer galbedka ayaa Qaramada Midoobay uga digay iney Iran sameysaneyso gantaal ay riddadiisu dheer tahay oo awood u leh inuu qaado Niyukilarka, taasina ay tahay mid ka horimaneyso qaraarki golaha ammaanka ee qaraada midoobay.

Warqad ay si wadajir ah u soo qoreen dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa lagu sheegay iney Iran tijaabisay gantaalka riddada dheer ee baalastika Shahab-3, oo awod u leh inuu qaado hubka Niyuukilarka.

Tallaabbooyinka noocaasi oo ay qaadday Iran waxay sheegeen iney lid ku yihiin qaraarki lagu meel mariyey heshiiski Niyuukilarka Iran ee 2015-kii.

Hase yeeshee Iran eeddaasi loo soo jeediyey waa ay diidday.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohamed Javad Zarif wuxuu sheegay warqadda ay waddama ka mid ah quwadaha reer galbeedka ay soo qoreen ‘iney ku qoreen been abuur’ si ay u daboolaan awooddooda aadka u liidata ee gudashada waajibaadka ka saarnaa heshiska Niyuukilarka ee ay galeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media