Wasiirka Caafimaadka Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in tallaabooyinkaan lagu karaan tiilayo dadka da’dooda ay ka sareeyso 70 sano la qaadayo toddobaadyo gudahood si looga bad baadiyo xanuunka Coronavirus.
Waxa uu intaa ku daray in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo adag oo dhib badan haddana lagu qasban yahay si loo bad baadiyo dadkaasi da’da ah.
Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis ballaaran la kulmeeyso si ay u qaaddo tallaabooyin dheeraad ah iyada oo la xakameeynayo faafista xanuunka Corona oo hadda ay u geeriyoodeen 21 qof oo Muwaadiniin British ah , kuwaa oo dhammaan da’dooda ay ka sareeysay 60 sano .
Xaaladdan ayaa ka dhigan in qof walba uusan ka soo bixin gurigiisa , xitaa kuwa raashinka guryaha geeyaa ay albaabada dhigaan wixii adeeg ah oo aysan gudaha u galin guryaha.
Tallaabadan ayaa immaaneeysa waqti Culimada caafimaadka ingiriiska ay cambaareeyeen hannaanka Xukuumadda u wajaheeyso Cudurka Corona Virus , waxa ayna ku booriyeen in ay qaaddo tallaabooyin dheeri ah si loo xakameeyo COVID19.
Tirda guud ee dadka laga helay xanuunkaan dalka ingiriiska waxa ay gaarayaan 1,140, waxaana la baaray dad gaaraya 37,746 ruux.
Ra’iisul Wasaarada Ingiriiska ayaa ka dalban doona shirkadaha dalka ingiriiska in ay ku biiraan Gurmadka qaran ee hadda soconaya si looga hortago Xanuunkaan sidia ba’an u faafa ee Coronavirus.