Indonesia: Xukun lagu riday Saxafi British oo lagu qabtay Xashiish.

 

Maxkamadda Jesiiradda loo dalxiis tago ee Baali ayaa la soo taagay  David Fox oo u shaqeyn jirey Wakaalladda Wararka ee REUTERS, waxaana lagu helay inuu haystay Xashiish culayskiisu dhamaa  10-gram.

Saxafigasi oo u dhashay dlka Britain ayaa ahaa Wakiil-wareedkii REUTERS ee Arrimaha Dagaalka, waxaana lagu xukumay 7-bilood oo xabsi ah.

David Fox oo 55-jir ah waxa uu Wakaalladda Wararka REUTERS u shaqeyn jirey muddo 20-sanno ah, waxaana shaqada laga eryay mar uu Warbixin ka diyaarinayey Sunaamidii ku dhufatay dalka Japan sannadkii 2011-kii.

 

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media